Taliyeyaasha Ciidamada oo soo saaray amaro cusub oo amaanka Muqdisho ku saabsan

0

Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxay caawa soo saareen amaro hor leh oo ku saabsan suggida amniga Magaalada Muqdisho, iyagoona sidoo kale digniin u jeediyay cid kasta oo ka hortimaada amaradaasi.

Taliye-yaasha Nabad Suggida, Booliska iyo Militariga, ayaa caawa si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, waxaana ku wehlinayay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Maxamed C/laahi Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo hadalka ku horeeyay, ayaa ka hadlay iska horimaadkii maanta ka dhacay Degmada Kaaraan, waxaana uu beeniyay in uu u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan dowladda, balse uu u dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kooxo burcad ah.

Taliyaha, ayaa sheegay in ujeedada kooxdaasi ay ahayd in ay dhacaan raashiin, ha yeeshee laga hortagey, isla-markaana ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen burcadaasi.

Sanbaloolshe, ayaa tilmaamay in dowladdu ay samayn doonto qorshe ay kaga hortageyso amni darrada iyo qaraxyada abaabulan, si loo xaqiijiyo nabadgelyada Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid), ayaa amray ku bixiyay in dadka rayidka ahi ka guuraan Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Taliyaha, ayaa hoosta ka xariiqay in kama dambeys shacabka laga doonayo in xarumahaasi kaga baxaan 1-da bisha Luulyo, oo saddex toddobaad inaga xigto.

General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo ka barbar hadlayay Sanbaloolshe iyo Cirfiid, ayaa ku dhawaaqay in wixii hadda ka dambeeya ay mamnuuc tahay in tuutaha ciidamada lagu dhex qaato Magaalada Muqdisho.

Wuxuu intaa ku daray in askari aan ka tirsanayn ciidamada xasilinta aanu wax hub ahi ku dhex qaadan karin Magaalada Muqdisho, haddii kalana uu wajihi doono tallaabo sharciga waafaqsan . Askariga hubka ku dhex qaadanaya magaalada waa inuu ahaadaa mid fasax u haysta.

General Saacid, ayaa ka dhawaajiyay in 48-ka saac ee ina soo aadan la samayn doono xarun lagu diiwaangeliyo ciidamada ilaalada, ee ay wataan masuuliyiinta dowladda, lana siin doono aqoonsiyo iyo dareys u gaar ah.

Wasiirka Amniga Gudaha oo isna ka hadlay shirkaasi sharaa’id, ayaa sheegay in qorshaha lagu xasilinayo amniga Muqdisho uu yahay qaraar ka soo baxay Golaha Wasiirada, hadafka laga leeyahayna uu yahay in Caasimadda Muqdisho noqoto mid xasiloon.

Hoos ka Daawo Sawirada:-