Dowladda Jarmalka oo ku baaqday in la joojiyo go’doominta Qatar

0

Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday in dadaalo diblumaasiyadeed lagu xalliyo dhibaatada sii kordheysa ee Qatar, taas oo afar dal oo Carab ah ay ku eedeeyeen inay maalgeliso argagixisada.

Sucuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Masar iyo Baxrayn ayaa Isniintii waxa ay dalka Qatar u jareen xiriirkii socdaalka iyo midkii diblumaasiyadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, oo hadlayay kaddib markii uu martigaliyay dhiggiisa Qatar, ayaa ku baaqay in la qaado xayiraadaha “badda iyo cirka” ee Qatar lagu soo rogay.

Qatariyiinta ayaa diiday eedaha ah inay taageeraan kooxaha xagjirka Islaamiyiinta ah.

Tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeeyo Qatar iyo dalalka ay dariska yihiin, ayaa Jarmalku waxa uu xoogga saarayay in xal diblumaasiydaeed lagu dhammeeyo arrinta.

Mr Gabriel ayaa laba maalmood ka hor la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudi Carabiya, Caadil al-Axmed al-Jubayr, waxa uuna sheegay in dhammaan dhinacyada ay doonayaan “inay ka fogaadaan inay xaaladda sii xumaato”.

Kaddibna Jimcaha maanta ah ayuu Mr Gabriel magaalada Wolfenbuettel ee waqooyiga Jarmalka waxa uu kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabduraxmaan al-Thani.

Markaasi kaddibna Mr Gebriel ayaa u sheegay weriyayaasha: “Waxaannu haatan ku qanacsannahay in la joogo saacaddii diblumaasiyadda, oo waxaa qasab ah inaannu wadahadalno; iyadoo ay joogaan saaxiibadayada Ameerikaanka iyo saaxiibadeenna gobolka, waa inaannu iskudayno inaan xal gaarno, gaar ahaan waa in la qaado xayiradaha badda iyo cirkaba,”