DHAGEYSO:- Wasiirka Amniga “Waxaa rabnaa in 3 bilood gudahood in magaaladan hub la’aan ka dhigno”..

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay howl galada xasilinta Caasimada Muqdisho, isagoo caddeeyay in go’aanka ay Xukuumadda soo saartay cidii ka hor-timaada ay tallaabo sharci ka qaadi doonaan.

Wasiir Ducaale oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay inay daba socdaan sidii loo fulin lahaa go’aan.

“Qori iyo hub waxba ma soo kordhinayo, magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe waa lagu nool yahay hubna laguma wato, anaga waxaa rabaa in saddexda bil ee socota inaan magaalada Muqdisho ka dhigno hub la’aan”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Waxaa uu sheegay in aan la ogolaan doonin baabuur tikniko ah oo warqad fasax ah aan wadan, isagoo xusay in askari hubeysan iyo dareys aan lagu wadan karin magaalada

“Qofka askariga ama Milateri ha ahaado, Boolis iyo Nabadsugid hala soo xiriiro taliyihiisa warqad cadeyn haka keensado, hadii la arko askari kaligiis iska socda hubka waa lagala wareegayaa, isagana xabsi ayaa la dhigayaa waa go’aan guud illaa Madaxweynaha ka soo baxay”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in sanad gudihiis magaalada qofna lagu dilin, qaraxna ka dhicin, isla markaana ay sameyn doonaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagay muddooyinkii u dambeeyay, isla markaana ay ciidamada u taagan yihiin inay naftooda u huraan shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-