DAAWO+DHAGEYSO:- Taliye Sanbaloolshe “ Kaaraan Waxaa ku dagaalamay Ciidamada Xasilinta iyo Niman Burcad ah”..

0

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA C/llaahi Maxamed Cali “ Sanbaloolshe” ayaa ka hadlay dagaalkii Shalay Muqdisho ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda.

Israaseynta ama dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa sheegay in waxa israsaaseeyay aysan ahayn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda balse ay ahaayeen Niman burcad ah oo raashiin dhici rabay iyo Ciidamada Xasilinta.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in warbaahinta qaar ay wax qalad ah tabiyeen isla markaana aysan jirin Ciidamada Xasilinta oo dad ku laayay Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-