DHAGEYSO:- Maamulka Kofur Galbeed oo War ka so saaray Israsaaseyn shalay Baydhabo ka dhacday

0

Saacadihii hore ee Jimcihii Shalay ayaa xero barakac oo ku taalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka baay waxaa raashin loogu qeebinyay qoysaska Barakaaayasha ee Xeradaasi,Mar qura ayaasa laga war helay iska horimaad xeradaas ku dhexmaraya Ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Israsaaseyntan ayaana keentay in ku dhawaad 10-ruux oo kamid ahaa barakacayaasha raashinka loo qeebinayay ay geeriyoodaan tiro intaa kabadana wey ku dhaawacmeen.

4-Askari oo kamid ahaa Ciidamadii daagalku uu dhexmaraya ayaa geeriyooday,waxaana is badalay jawigii goobtii qoysaskaa raashinka loogu qeebinayay kadib mashaqadaa gooobta ka dhacday.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Axmed ayaa VOA-da usheegay in iska horimaadkaas uu si khalad ah  ku dhacay,walina ay wadaan baaritaano.

Waxaana lasoo sheegayaa in ay sii kordhayaan tirada dhimashada,oo dadkii dhaawac ahaan loo qaaday ayaa qaarkood iska bitaalka ku geeriyooday.

Hoos ka Dhageyso Codka:-