DAAWO:- Wasiir ka tirsan Xukumadda Xasan Cali Khayre oo soo bandhigay Arrin Cajiib ah

0

Xukumadda Soomaaliya ayaa sameysay hormar cajiib ah tan iyo markii labo bilood ka hor si rasmi ah ay codka kalsoonida uga heleen golaha Wasiirada.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisa ay awood uyeelatay iney soo dhiciso Furaha Internetka ee Soomaaliya oo mudo dheer dalka gacantiisa ka maqnaa

Wasiirka ayaa dhanka kale si aad ah uga hadlay dadaalada la doonayo in lagu tayeeyo isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya.

Dowladda ayuu sheegay iney haatan ku howlan tahay sidii loo heli lahaa mac-hadyadii caanka ahaa ee dhanka isgaarsiinta iyo boostadda.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-