Ciidamada Puntland oo dib ula wareegay Deegaanka Af Urur

0

Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa Jimcihii dib ula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Af urur ee Gobolka Bari, saacado ka dib markii ay dagaal culus ku qabsadeen maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo aad u hubeysnaa, watayna gaadiidka dagaalka, ayaa laba jiho kaga dhaqaaqay Deegaanka Af urur, iyagoona si nabdoon dib ugula wareegay.

Ciidamadan oo ka kala baxay Boosaaso iyo Carmo, ayaa intii ay wadada ku sii jireen wax iska caabin ah kala kulmin mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Dagaal-yahanadii Shabaabka ee qabsaday Af urur, ayaa waxaa la sheegay in ay dib ugu laabteen Buuraleyda Galgala, oo markii horeba ay weerarka ka soo qaadeen.

Weerarkan, ayay Shabaabku ku dileen in ka badan 50 askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, iyadoona aan xog dhab ahi laga hayn khasaaraha ka soo gaaray mintidiinta.

Waa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo goob keliya ay isaga horyimaadan Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Shabaabka hubeysan, ee dagaalka ka wada Somaliya.