DHAGEYSO:- Wasiirka Amniga oo Koormeer Kedis ah ku sameeyay Xarumaha Ciidamada Xilli Saraakiil Sare ay guryahooda jiifeen

0

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada Booliska ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa ahaa mid uu Wasiirku ugu kuur galayay sida ay xilliyada habeenkii u shaqeeyaan, iyo howlaha sugida amniga.

Wasiirka Amniga ayaa saldhigyada uu kormeeray waxaa ka mid ahaa Saldhigga Kaaraan, Waaberi, Shibis iyo Xamar Jajab.

Maxamed Abuukar Islow ayaa ku booriyay ciidanka ammaanka inay sii wadaan dadaalada ay ugu jiraan sugida ammaanka, ayna shacabkooda u xaqiijiyaan sidii amnigooda u sugi lahaayeen.

Ciidamada ammaanka ayaa xoojiyay ammaanka Caasimada Muqdisho, waxaana magaalada laga dareemayaa is bedel dhinaca ammaanka ah oo ka duwan bilihii la soo dhaafay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-