WAR DEG DEG AH: Qaraxyo Waa weyn oo Maanta Muqdisho ka dhacay

0

Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Xamar weyne ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay fashiliyeen Maanta Barqadii labo qarax oo lagu aasay xaafad ka mid ah degmadaasi.

Qaraxyada oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in la dhigay wado u dhaw Schoolka Macalin Jaamac ee Degmadaasi mana jiro wax qasaaro ah oo ka dhashay oo ilaa waqtigaan na soo gaaray.

Ciidamada ayaa soo qab qabtay 4 qof oo la sheegay in looga shakisan yahay qaraxyadaasi in ay meesha ku aaseyn.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa wado Howl-galo lagu xaqiijinaayo Amaanka Magaalada Muqdisho inkastoo wali Amaanka uu ka jiro walaac iyo Cabsi badan.