DHAGEYSO:- Ragga Soomaalida ah ee Bidaarta leh oo ay Cabsi soo Foodsaartay

0

Iyadoo Shalay Booliska Wadanka Mozambique ay sheegeen in Weeraro iyo Beegsi lagu hayo Ragga Bidaarta leh ee ku nool Wadankaasi ayaa waxaa ka hadlay Ragga Soomaalida ah ee Degan Dalka Mozambique islamarkaana leh Bidaarta.

Waxaa ay sheegeen raggaasi Soomaalida ah in Warka Boolisku uu Faafiyay uu yahay mid Cabsi weyn ku abuuray,maadaama ay yihiin dad Qaxooti ah oo Wadan Shisheeye ku nool islamarkaana ay Fududahay in la Beegsado.

Ragga Bidaarta le ee ku Nool Mozambique ayaa la sheegay in lagu hayo Beegsi gaar ah,waxaana la sheegay in Sababta loo Weerarayo ay tahay in ay jiraan dad aaminsan in Dadka Bidaarta leh uu Madaxooda Dahab ku jiro.

Hoos ka Dhageyso Codka:-