DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo Fariin Culus u diray Madaxda Dowladda

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in looga fadhiyo dadaal iyo shaqo badan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda in laga doonayo Bankiga sharciga ah ee ku yaalla magaalada Beledweyne in lacagihiisa uu isku keeno, si howlaha kale ay u socdaan.

Sidoo kale Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan ayaa Wasaaradaha ugu baaqay in ay yimaadaan magaalada Beledweyne, oo aysan ku ekaan Muqdisho iyo Jowhar.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maalmahan waxa ay wadaan dadaalo wax loogu qabanyo shacabka qaar ee halkaasi ku nool, kuwaasi oo ay heysato xaalado dhanka nolosha ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-