DHAGEYSO:- Degaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose oo laga Barakacay iyo Xaalad adag oo laga soo sheegayo degaanadaasi

0

Iyadoo maalinimadii shalay aheyd deegaana hoostaga Degmada Janaale ee Gobalka Shabeelaha Hoose ay dab qabadsiiyeen dagaalyahano la sheegay in alshabab ay kamid yahiin ayaa hada waxaa isasoo taraayo dad la sheegey in ay ka barakacayaan deeganadaasi la gubay.

Nabadoon ka mid ah Nabadoonada Gobalka Sh/Hoose ayaa inoo xaqiijiyey in dad badan oo deganaa deeganada la gubay ay ka barakaceen deegaanada ay ku dhaqnaayeen, kadib markii guryahooda cooshadaha ka sameesnaa la gubay.

waxa uu inoo sheegay in dadkaasi badi ay ku barakaceen Magaalada Marko ee xarunta Gobalkaasi, halka inta soo hartayna ay u barakaceen halkay isleeyahiin waxaad ka heleesaan nolol , oo ay qaarkood usoo hayaameen Magaalada Caasimahada ah ee Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-