DHAGEYSO:- Dagaal Khasaare geystay oo Ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar

0

Dad Xoola Dhaqato ah iyo kuwo kaloo Beeraleey ah ayaa xalay isku dagaalay deegaan aan sidaas kaga fogeen Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar, dagaalkaan ayaa labada dhinacba waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkaani ayaa ku bilaawday is af garan waa soo kala dhax galay labada dhinac kadib markii xoolo Lo” u badan oo ay lahaayeen Xoolaleyda ay galeen beer isla markaasina ay cuneen dalagyadii kala duwanaa ee beertaasi ka baxaayey, markii dambane beeraleyda ay kusoo baxeen.

Goor dambe ayaa waxaa beertaasi soo gaaray ragii lahaa Xoolaha beerta galay iyagoo hubeeesan sidaasina ay risaas kusoo fureen, iyadoo beeraleydana ay iska difaaceen, sida uu inoo xaqiijiyey goob jooge ku sugnaa halkay wax ka dhaceen oo Idaacaddda Simba la hadlay.

Ma jirto qasaaro nafeed oo dagaalkaasi ka dhashay waxaase jirta in dhawacyo kala duwan uusoo gaaray labada dhinac ee deegankaasi dirirta ku dhexmartay.

waxaana goor dambe lagu guuleystay in la joojiyo dagaalkaasi oo socday mudo saacad ka badan oo la isku adeegsaday hubka daran dooriga u dhaca, iayadoo gooba caafimaad loo qaaday dadkii ku dhaawacmay dagalkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-