DHAGEYSO:- C/weli Gaas oo si kulul ugu hadlay Weerarkii ka dhacay Gobolka Bari, Kuna dhawaaqay Hal Arrin

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed (Gaas) ayaa ka hadlay Dagaalkii shalay Shabaab ay ku qaadeen Tuulada Af-urur iyo xerada Ciidamada Daraawiishta Puntland ay ku leeyihiin Duleedka magaalada Boosaaso.

Gaas ayaa bogaadiyay ciidamada Puntland ee sameeyay falka geesinimada leh, wuxuuna tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Ciidamada difaacayey Degaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa dadweynaha maamulka Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah, ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Gaas shalay in uu magacaabay guddi wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibta dhacday, kana qeyb qaata gurmadka dadka dhaawaca ah iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dhacdadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-