DHAGEYSO:- Dagaalkii ka dhacay Muqdisho oo la Xaqiijiyay in Masuul Caan ah uu ku geeriyooday

0

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in  gudoomiye Waaxeed katirsan dowladda lagu dilay degmada Kaaraan.

Allah ha unaxariistee Cabdi Jiis oo ahaa gudoomiyihii waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ayaa lagu dilay iska hor imaad dhexmaray ciidamo katirsan dowladda Soomaalia.

Dagaalka uu ku dhintay gudoomiyaha ayaa dhexmarayay  ciidamada xasilinta ammaanka Muqdisho  iyo ciidamo ka horjeeda.

Dagaalka ayaa maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ay howlgal ka wadeen ciidamada isku-dhafka ah ee xasiilinta magaalada Muqdisho iyo ciidamo ku sugnaa degmadaasi.

Guddoomiyihii Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan Cabdi Jiis ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalka dhex maray labada ciidan.

 

HOOS KA DHAGEYSO