Dagaal Culus oo ka socda Boosaaso iyo Barakac Xoogan oo ka bilowday

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, dagaal culus ayaa ka socda duleedka Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa deegaanka Af Urur oo ka tirsan Gobolka Bari, waxaana wararka ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab weerarkaasi ay soo qaadeen.

Saldhiga ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af Urur ayaa lagu soo waramayaa in dhawr jiho ay ka soo weerareen ciidamada Shabaab, dagaalkana uu weli halkaasi ka socda.

Weli ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Shabaab ee ka socda duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Puntland ayaa dagaal adag waxa ay kula jirta dagaalyahanada ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish oo Saldhigyo Militari ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Saraakiisha Puntland weli dagaalkaan kama aysan hadlin, maadaama dagaalka weli uu socdo oo xilli hore oo aroor ah ay tahay.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakada Wararka Allgalgaduud.com…