Askargii dilay Osama Bin Laden oo Fashiliyay Qaabkii uu u dilay

0

Maamulkii uu hogaaminayay madaxweynihii Mareykanka Brack Obama ayaa ka dambeeyay in la dilo hogaamiyihii AlQacida Sh Osama Bin Ladin.

Dilkaas oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa uu ka dhacay dalka Pakistan sanadii 2011-kii waxaana fuliyay askar si gaar ah loo tababaray.

Buug uu qoray askari sheegay inuu ahaa ninkii rasaasta la beegsaday Osama Bin Ladin ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan qaabka ay wax udhaceen iyo sababta ka dambeysa in la baahin waayo sawiradda meyda Osama Bin Laden.

Jariidada caanka ah ee Business Insider ayaa qoray in kitaabkan oo la yiraahdo The Operator  ee uu alifay Robert O’Neill askari hore oo ka tirsanaa mariiniska Mareykanka, ayaa waxaa uu kaga hadlay faahfaahin cusub oo ku saabsan dilkii hoggaamiyaha al-Qaacidda.

Askariga oo ka hadlay qaar ka mid ah dhacdooyinkii howlgalka ayaa waxa uu xusay in uu ka yara dambeeyay saaxiibadii ay isku kooxd ahaayeen ee SEAL, xilligii ay howlgalka ku hayeen gurigii uu daganaa Bin Laden oo ka koobnaa 3 dabaq, markii ay koreen dabaqii ugu sarreeyay waxaa mar kaliya isqabsatay, ayuu yiri, rasaas xooggan oo uu soo ridayay wiil uu dhalay Osama oo la oran jiray Khaalid oo markaa watay qoriga AK-47, O’Neill ayaa sheegay inuu Khaalid wajiga rasaas kaga dhuftay.

Sidoo kale O’Neill oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sii koreen dabaqa 3aad isaga iyo nin ka mid ah ciidanka sahanka oo aanuu magaciisa sheegin, waxaan galnay ayuu yiri qolkii jiifka Osama, waxaan ku aragnay, ayuu yiri, 2 haween ah iyo Osama, waxa uu sheegay in isagu uu xabadda ku furay Osama, halka askarigii kale uu Labo haween ah uu qolkii ku dilay.

Sida ay sheegayso jariidada New York Daily News, ee ka soo baxda dalka Mareykanka   O’Neill ayaa waxa uu u sheegay in wax ilbiriqsi ka yar uu ku dilay Osama Bin Laden rasaastana uu madaxa kala helay.

Jariidada  SOFREP  ee caanka ku ah faafinta howlgallada gaarka ah ee ciidanka Mareykanka ayaa sheegaysa in kooxda SEAL ay dilka Bin Laden ay xabaddo farabadan korkiisa ku dhameeyeen. Halka ilo kalena ay sheegayaan in ay askartu isku bedbedaleen oo ku dhawaad 100 xabadood ay ku dhufteen jirka Osama xitaa markii uu dhintay kadib.

Murphy oo horey uga  tirsanaa ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in faafinta sawirrada Bin Laden ay Mareykanka ku noqon lahayd fadeexad caalami ah, maadama dilka loo geysay qaab ka badbadis ah.

Buugga O’Neill ayaa waxaa ku qoran in Maydka Bin Laden la geeyay Afghanistan si loo hubiyo kadibna waxaa loo gudbiyay markabka Carl Vinson CVN-70 si dhanka badda loogu aaso, 2 May 2011, goob ka tirsan Badda Carabta ayaa lagu aasay meydka Osama.

Si kastaba Mareyanka ayaa walli ka cabsanaya in Kooxdii uu hogaaminayay Osama Bin Laden ay qorsheynayaan weeraro aar gudasho ah oo ay Mareyankanka ugeystaan.