Xukuumadda Ra'iisul wasaare Kheyre oo loo bixiyey magacyo cusub oo yaab leh!

0

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cal Kheyre oo ah nin dhallinyaro ah ayaa waxyaabo badan kusoo kordhiyey xukuumadiisa cusub oo ay ugu horeyso isla xisaabtan iyo inay shaqaalaha waqtigooda ku imaadaan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay inuu xakameeyo Wasiirada Xukuumadiisa, wuxuuna ku qasbay inay waqtiga ilaaliyaan hadidi ay ahaan laheyd midda shirka Asbuuuclaha ama midda xafiisyadooda shaqo.

Kheyre ayaa sidoo kale bilaabay inuu kormeero joogto ah ku sameeyo xafiisyada dhammaan Wasaaradaha xukuumadiisa, iyadoo aysan jirin iclaamin hore ama ogeysiis ku saabsan inuu booqanayo, taasoo laga damacsan yahay in lagu ogaado wasaaradaha shaqadooda qabsanayo iyo kuwa iska jiifo.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku guuleystay in shaqada wasaaradaha dowladda lasoo galo 8:00Am lagana baxo ilaa 4:30Pm taasoo aan lagu arkin xukuumadihii ugu dambeeyey, waxayna muujineysaa inay ka go’an tahay in shacabka wax loo qabto.

Haddaba tallaabooyinka uu qaaday Ra’isulwasaare Kheyre ayaa keenay inay shaqsiyaad aan ku qanacsaneyn shaqadiisa ay u bixiyaan xukuumadiisa magacyo cusub oo muujinayo sida uu u dar dar geliyey shaqadada Wasaaradaha.

 

Magacyada loo bixiyey Xukuumadda cusub ayaa waxaa kamid ah (Kheyre Collegue) oo loola jeedo in xukuumadiisa ay noqotay meel la isku xisaabiyo sida Collegue­yada ay ardayda wax ku bartaan oo kale, maadaama uu amray in la shaqeeyo waqtiga rasmiga ah ee uu Dastuurku qabo.

Sidoo kale Magacyada loo bixiyey xukuumadiisa ayaa waxaa kamid ah (Xafiiska NRC) oo ah meeshii uu Markii hore Ra’isulwasaaraha ka shaqeyn jiray oo la sheegay in sida uu hadda wasiirada ula xisaabtamo uu ula xisaabtami jiray Shaqaalihii ka shaqeyn jiray.

Inkastoo dadka magacyadaan bixiyey ay ula jeedaan duritaan, haddana ceeb maahan inu Ra’isulwasaraha shaqadiisa si saxan u guto, magacyadaan waxay muujinayaan sida ay Ra’isulwasaaraha uga go’an tahay inuu dalka wax u qabto.