XOG WARAN:- Lix arrin oo Farmaajo uga iman kara hesiiska Berbera oo uu taageero

0

Lix arrin oo Farmaajo uga iman kara hesiiska Berbera oo uu taageero Waxaa isa soo taraaya wararka ku saabsan in Dowlada Somalia ay dib uga laabatay go’aanka is hortaaga Heshiiska maamulka Somaliland ay ku bixisay dhulka baaxada weyn ee la filaayo in dhawaan Dowlada Imaaraadka ka dhisato Saldhig Millitery oo laga duqeyn doono Xuutiyiinta dalka Yemen.

Qorshaha ay dowlada Somalia dib uga laabaneyso is hortaaga Heshiiska lagu bixiyay Saldhigaasi ayaa Caqabado badan u keeni kara Dowlada Somalia.

Caqabadaha uu Madaxweynaha Somalia kala kulmi doono dib uga laabashada is hortaagiisa ku aadanaa Heshiiska Saldhiga Berbera ayaa saameyn xoogan ku yeelan kara xiriirka kala dhexeeya Golaha Shabka Baarlamaanka Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku haminaayay dowlad ka dhabeysa himiladeeda ku aadan difaaca dalka iyo badbaadinta Hantida maguuraanka ee Qaranka.

CAQABADAHA UU FARMAAJO KALA KULMI DOONO DIB UGA LAABASHADA GO’AANKA IS HORTAAGA HESHIISKA

1­Kalsooni darro ka dhex curata Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Shacabka Soomaaliyeed.

 

2­Rajo beel ku dhaca Shacabka Soomaaliyeed oo horay ballanqaad difaaca dalka ah ka helay Madaxweyne Farmaajo oo hadda u muuqda mid ka laabtay go’aankii uu ku diidanaa Heshiiska Berbera.

3­Muuqashada rajooyinka ku aadan in DFS ay halkeeda kasii wadi doonto waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladihii ka horeeyay tan Farmaajo.

4­Kalsooni darro ka dhex curata Madaxweynaha Somalia iyo Xildhibaanada isbedel doonka ah, maadaama markii hore ay ku midoobeen in la badbaadiyo dalka iyo Kheyraadkiisa.

5­In go’aanka dib uga laabashada is hortaaga Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Berbera ay dhiiro galiso Maamulada kale ee dalka oo iyaguna heshiis la gali doona dowladaha Shisheeye ee ka faa’iideysanaaya Kheyraadka uu alle ugu maneystay Somalia.

6­In Shacabka Soomaaliyeed ay dayacaan ballanqaadkii ay u sameeyen Farmaajo ee ahaa inay kala shaqeyn doonaan Amniga iyo Horumarka, kadib markii uu ka weecday qodobkii lagu taageeray ee ahaa is hortaaga Heshiiska lala baalmaray Baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacbiyad aan xisaab laheyn kala kulmay Umadda Soomaaliyeed tan iyo markii loo doortay Madaxweyninimada Somalia, waxaana muuqaneysa in dhammaan taageeradaasi ay hakat gali doonaan haddii ay dhacdo in la laalo qorshaha lagu hor istaagaayay Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha Gobolada dalka ayaa aad looga hadal hayaa qorshaha wadada kusoo jira ee lagu suuragalinaayo dib uga laabashada go’aanka ay DFS mar hore ku diiday Heshiiska Saldhiga Berbera.

W/Q: Cabdi Aadan Xuseen