Xildhibaanada Mareykanka oo u istaagay Gar gaarka Soomaaliya, kuna dhawaaqay Qorshe Cusub

0

Qaar ka mid ah xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Maraykanka ayaa sheegay iney u istaagayaan sidii loo Gar gaari lahaa Dadka ay Abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gudaha Dalka Soomaaliya.

Kulan ay soo abaabushay Amy Klobuchar oo Aqalka Senot-ka Maraykanka u matasha Gobolka Minnesotta, uuna ku wehliyay wakiilka Minnesota ee Golaha Congarees-ka ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta ARC ee Magaalada Minneapolis caasimadda Gobolka Minnesota ayaa diiradda lagu saaray sidii Madaxweyne Donald Trump loogu qancin lahaa sidii loo joogtayn lahaa kaalmada lagu bixiyo howlaha Gar gaarka ee uu Dalkaasi bixiyo.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka minnesota iyo wakiillo ka socda qaar ka mid ah Hay’ada Samafalka oo shirka laf-dhabar u ahaa ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay go’aanka uu maamulka Trump ku jarayo dhaqaalihii la siin jiray laamaha Gar gaarka.

Hodan Xasan oo ka mid ah Soomaalidii kulankaasi ka qayb gashay ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanku haatan haysato fursaddii ay ku kasban lahayd Dadka Soomaaliyeed maaddaama laga yaabo in kooxaha xagjirka ah ay Maraykanka u tusaan Cadaw.

Hodan ayaa intaa ku dartay inay muhiim tahay in mar walba Isha lagu hayo xaaladda Soomaaliya balse aan la baraarugin oo keliya markii ay wax dhacaan, waxaanay taa dhiggeeda tilmaamtay in la taageero Dowladda iyo shacabka laguna taakuleeyo wixii ay qabsan karaan.

Donad Trump ayaa horay u sheegay in 17 Bilyan oo laga jarayay Miisaaniyadda Gar gaarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkiisa iyo sanduuqa kaalmada Maraykanka ee USAID in loo weecinayo tayaynta Ciidamada Mareykanka.