TOP DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo Si deg deg ah kaga Jawaabtay Digniintii Cabsida aheyd ee Al-Shabaab soo saareen

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay War ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo digniin loogu diraayay Dalladaha Waxbarashada Dalka iyo Waalidiinta Sooomaaliyeed.

War ka soo baxay Al-Shabaab shalay ayaa ahaa in dalladaha Waxbarashada Dalka ay faafiyaan Manaahiij laga soo guuriyay Reer galbeedka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warka Al-Shabaab ka soo baxay ku tilmaantay in uu ahaa mid aan waxbo ka jirin isla markaana uusan qaldaneyn Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusman oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax qaldan barin Caruurta Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay qal qal geliyaan Caruurta iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, wuxuuna faah faahin ka bixiyay Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya ay leedahay iyo sida uu u qoran yahay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusman ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la Siyaasadeeyo Waxbarashada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Waxbarashada ay ka madax banaan tahay Siyaasada, Waxa uuna Al-Shabaab ugu baaqay in aysan Siyaasadeyn waxbarashada.

HALKAAN KA DHAGEYSO