Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Qarax Xoogan oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

0

Qarax khasaare geystay ayaa Duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la geliyay Maqaaxi halkaasi ku taalla, waxaana uu geystay khasaare, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Gobolka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa Shan Qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah, oo halkaasi ku sugnaa, waxaana loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka akdhow.

Taliyaha Saldhiga Degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa sheegay xilliga uu Qaraxan dhacayay in goobta ay ku sugnaayeen dad shacab ah, balse aysan ku sugneyn Ciidamo, laakiin goobta markii hore ay imaan jireen.

Waxa uu sheegay Ciidamada ammaanka Qaraxan in ay u soo qabteen tiro dad ah oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen falkan, hadana lagu wado baaritaano.