DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo ka hadlay xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in uu yahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka in u ka dhaxeeyo wada shaqeyn iyo wadatashi, mar walbana ay ka wada hadlaan waxyaabaha soo kordha.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadlaan mar walba arrimaha ammaanka, maadaama Dowladda Federaalka iyo Maamulada Hoose ay Dagaal kula jiraan Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-