DHAGEYSO:- 45-Ruux oo Xaaladooda Caafimaad laga deyrinaayo iyo Magaalada Buuhoodle oo…..

0

Magaalada Buudoodle ee gobalka Cayn ayaa maantay la soo gaarsiiyey 45 Ruux oo uu soo ritay Cudurka Shubabiyoodka oo ka dilaacay gobalka Cayn.

Maxamed Cabdi Faarax Qudus oo ah Madaxa shaqaalaha Isbitaalka Guud ee Buuhoodle ayaa oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in 45 ruux maantay lasoo gaarsiiyey Isbitaalka Buuhoodle ayna xaaladooda Caafimaad la tacaalayaan.

Dadkaan ayuu sheegay inay laga keenay xadka gobalka Cayn uu la wadaago Itoobiya iyo deegaano kale oo hoos yimaada Magaalada Buuhoodle.

Maxamed waxaa uu intaas ku daray in maalinkii celcelis ahaan ay goobaha caafimaadka imaanayeen 100 Ruux balse maantay ay xooga hoos u dhacday tirada dadka soo gaaray xurumaha Caafimaadka.

Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn iyo deegaanada Hoosyimaada ayaa waxaa si weyn uga dilaacay xanuunka shubanbiyoodka waxaana goobahaaas gaaray kooxo caafimaad oo ay u dirtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO