XOG RASMI AH:- Shaqsiga loo Magacaabayo Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Banaadir oo la ogaaday

0

Warar ay heshay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan magacaabayo Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in ay kulan la qaateen beel ka mid ah kuwa dega Gobolka Banaadir waxaana ay isla garteen in Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir.

Ninka ay Beeshiisu u gudbisay madaxweynaha in uu u magacaabo Guddoomiye xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabaa Xasan Macallin Siciid.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu odayaasha ka aqbalay arrintan islamarkaana uu Wareegto madaxweyne ku soo magacaabayo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Gobolka Banaadir.

Waxa jira tartan loogu jiro xilka guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyada oo ay ku hardamayaan Beelo badan oo xusul duub ugu jira in ay xilkaas helaan,waxaana wali socda wadatashiga arrintan uu ka sameynayo Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ku xigeennadiisa,Guddoomiyayaash Degmooyinka iyo ku xigeennadood ayey ahayd in ay soo doortaan Golaha degaanka ee Gobolka Banaadir kuwaas oo hadda aan diyaarsaneyn,waxaana y taasi sababtay in maamulka Gobolka Banaadir oo dhan uu ku yimaado magacaabis.