WAR DEG DEG AH:- Qarax Xoogan oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax Miino halkaas lagula eegtay Kolonyo Ciidamo ka tirsan AMISOM ay la socdeen.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa la sheegay in uu geystay Khasaarooyin kala duwan walow aan la cayimin.

Kolonyada la weeraray oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku soo jeeday Saldhigyo kale oo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose.