WAR DEG DEG AH:- Diyaaradihii Qaadka keeni jiray Muqdisho oo Jowhar hada ka dagay

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegaya in lix Diyaaradood oo qaad sida ay ka dageen maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, ayaa  waxa ay xaqiijiyeen in diyaaradahaasi ay ka dageen Magaalada Jowhar oo Shan ka mid ah ay ka degi jireen Muqdisho, halka mida lixaadna ay tahay mid maalin kasta Jowhar ka degta.

Ganacsatada qaadka ee Muqdisho ayaa qaatay go’aan adag, kadib markii dowladda Federalka Somaliya ay ku kordhisay lacagta canshuurta qaadka, taasi oo keentay in Diyaaradihii ka soo degi jireen Garoonka Aadan Cadde ay la aadeen Magaalada Jowhar.

Marduufka Jaadka ayaa Garoonka Aadan Cadde, markii hore waxaa lagu canshuuri jiray 43,000 oo Shilin Somali ah, halka ganacastada ay sheegeen dowladda inay ku kordhisay lacag dhan 10,000 oo Shilin Somali ah, lacagtana ay noqotay 53,000 oo Shilin Somali ah.

Gaadiid fara badan ayaa Jaadka looga soo daabulay Magaalada Jowhar, kuwaasi oo ku soo socda Magaalada Muqdisho, waxaana dadka jaadka cuna ay sheegayaan maanta qiimaha inuu isbedel ku yimid, maadaama meel fog laga keenaayo qaadka.

Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ayaa sheegay haddii dowladda aysan wax ka bedelin qarashka canshuurta ee ay kordhisay in maalin kasta qaadka ay ka dejinayaan Magaalada Jowhar.

Dowladda Somaliya weli kama aysan hadlin arintaan, sidoo kale dowladda oo qarash fara badan ka soo geli jiray maalin kasta qaadka, maanta wax qarash ah kama soo gelin oo lacagti dowladda ay qaadan jirtay maanta waxaa qaatay Maamulka Hirshabelle.