WAR DEG DEG AH:- Dab Xoogan oo Mar kale ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

Dab Xoog leh ayaa caawa markale ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha, Gaar ahaan Suuqa loo yaqaano Suuq Khaliifa oo bil kahor sidaan oo kale dab qasaare Hantiyeed geystay u baabi’iyay.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xaqiijiyay in baaxadda dabku ay weyntahay dhibaatana ay ka heysato sidii Gaadiidka dabdamisyadu u gaari lahaayeen goobaha uu dabku Saameeyay.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in hadda ay wadaan gurmad dag dag, ayna dalbanayaan Cagafcagayo si loo helo waddooyin lagu gaaro meelaha uu dabku kusii faafayo.

Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah u daadgureeyay Gudaha Suuqa si loo badbaadiyo Hantida dadweynaha Soomaaliyeed, loona sugo ammaanka Suuqa oo howlo gurmad ah ay hadda Ka Socdaan.