WAR DEG DEG AH:- Askar lagu dhex toogtay gaari BL ah oo ay saarnaayeen

0

Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa galabnimadan lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, sida uu inoo sheegay Qof goobjooge ah.

Goobjoogahan ayaa inoo sheegay Labada Askari in ay xirnaayeen dareeska Ciidanka Millitariga Soomaaliya, kuwaasi oo xilligii la dilayay saarnaa Gaari BL-ah oo ku soo jeeday dhanka Isgoyska Dabka, waxaana Rasaas ooda kaga qaaday koox ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

“Labo Askari oo xiran dareeska Ciidanka Millitariga oo shirka ka saarnaa Gaari BL-ah ayaa la dilay, Labo Dhalinayaro ah oo Gaariga la saarnaa oo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa dilka u geystay, kadib way baxsadeen, isla goobta ayay ku geeryoodeen.” Ayuu yiri Goobjoogaha inala hadlay.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen Meydadka Labada Askari, iyaga oo ula dhaqaaqay xarumaha baarista Ciidanka.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay sameeyeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa inoo sheegay in ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilka Askartan.

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ka socda beegsiga lagu hayo Ciidanka Dowladda Federaalka, Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka, laamaha ammaanka ayaa wada falal looga hortagayo dilalka ka dhaca Muqdisho.