Qaramadda Midoobe oo si la yaab leh kaga hadashay Guurka Haweenka Soomaliyeed

0

Hay’adda Qaramada midoobe u qaabilsan tirro koobka aadanaha ee magaceeda loo soo gaabiyo “UNFPA” ayaa soo saartay Warbixin ay ku sheegayso in 15 boqolkiiba haweenka soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka qaxootiga ee dalka Kenya ay maraan hanaanka saxda ah ee guurka, marka loo eego sida ay soomaalida isku guursato.

Hay’adda ayana arrintaani u sababeesay maadama badi xaqootiga ay leeyahiin rajo ah in mar uun dib u dejin ay ka helaan wadamada reer galbeedka taasina ay u dheertahay in marwaliba waalidiintooda ay kaga digaan in ay guursadaan sababtoo ah waxaa ka halaabaayo hanaankii ay ku dalbadeen dib u dejinta.

Waxaana arrintaasi sii huriyey madaxweynaha mareekanka Donald trump oo cabsi geliyay rajo beelna ku riday haweenka hamigoodu ahaa in ay ay ku noolaadaan wadamada reer galbeedka.

Ikastoo amarka Donald trump la hakiyey ayaa hadana waxaa haweenkaasi ay qabaan weli cabsi ku aadan in uu soo labo kacleeyo oo uu amar cusub soo rogo.

Donald trump ayaana waxaa lagu eedeeyaa in uu ku tunto xaquuqda haweenka waxaana jiro fadeexooyin dhowr ah oo ka dhan ah xaquuqda haweenka oo lagu tuhmaayo madaxweynaha mareekanka.