Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Baraawe

0

Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goordhaw Gaaray Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.

Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye Ku Xigeynka Degmada Baraawe ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Xubno ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulkaasi Koonfur Galbeed ay soo Gaareen Magaalada Baraawe.

Wafdiga ayaa hadda wada Kormeer ay ku tagayaan Xarumaha Ciidanka iyo Xrumaha Maamulka Degmada waxaana Hakad ku jira isku socodka Gaadiidka iyo Dadka.

Baraawe waa Xarunta Maamulka Koonfur oo hadda Si Kumeel Gaar ah udaggan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.