Madaxtooyada Somaaliya oo shaacisay qofka noqonaya Wariyaha Gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhowaanahan ka fikireysay inay hesho Wariye u gaar ah Madaxweynaha, kaasoo xogta Madaxtooyada la wadaagi doona warbaahinta kala duwan.

Tallaabadan ayaa waxaa qaaday Agaasinka cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed, kaasoo is bedel ku sameeyay Warfaafintii hore Madaxtooyada, isagoo ku soo kordiyay shaqsiyaad dhiig cusub ah.

Cali Baashi C/llaahi Cabdi oo muddo ka shaqeynayay Warbaahinta Gaarka loo leeyahay ayaa loo qaatay inuu noqdo Wariyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Lama oga qaabka lagu qaatay inay tahay Tartan la dhex dhigay Wariyeyaasha ka howl  gala Muqdisho, balse waxaa muuqata inay aheyd xulusho u gaar ah Agaasimaha cusub ee Warfaafinta oo doonaya in is bedelo la taaban karo ku soo kordhiyo habkii ay u shaqeyn jirtay Warfaafinta Madaxtooyada.

Cali Baashi ayaa horay uga soo shaqeeyey Warbaahinta Madaxa banaan ee kala duwan, waxaan uu ka mid ahaa wariyaashi Idaacadii HornAfrik, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaashii Idaacada Kulmiye.

Cali Baashi C/llaahi Cabdi  Ka hor inta aan loo magacaabin Wariyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ahaa Madaxa Guud ee Wararka TV-ga Universal oo ka mid ah talafashinada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer Soomaaliya, waxaana uu wax ka bartay Jaamacadda SIMAD.

Ilo wareedyo ku dhow  dhow Warfaafinta Dowladda ayaa inoo sheegay in Wariyahan gaarka u ah Madaxweynaha Soomaaliya uu sidoo kale ka  shaqeyn doono Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo isbadal weyn lagu sameenayo, sidoo kale waxaa uu wararka Madaxtooyada la wadaagi doonaa Warbaahinta dowladda.

Sidoo kale Warfaafinta Madaxtooyada ayaa qaadatay Sawir qaadayaal iyo farsama yaqaano Filimada ay soo saarto Madaxtooyada, waxaana meesha laga wada saaray dadkii horay uga shaqeynayay arrintan.

Waxaa kaloo la hadal hayaa ayaa ah in wixii hada ka dambeeya aanay Warbaahinta madaxa banaan awood u lahaan doonin wararka ay toos uga soo qaataan Madaxtooyada, waxaa taa bedelkeed ay heli doonaan muuqaalo lagu siiyo Flash Disk oo ay duubaan Camera Man ama Sawir qaadayaasha ka shaqeeya Madaxtooyada, waxaana la ogeyn sida ay u aqbali doonaan Warbaahinta Maxalliga ah.

Waa markii u horeysay ee Madaxtooyada Villa Somalia ay yeelato wariye gaar ah, waxaana horay loo ogaa in Wariyeyaasha Madaxtooyada ka soo warami jiray ay ahaayeen kuwo ka shaqeynayay Warbaahinta dowladda, sida Radio Muqdisho iyo SNTV.