Ilaalada Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo Dad Shacab ah Xasuuqay

0

Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo warramaya in Ilaalada Guddoomiyaha degmadaasi ay Rasaaseeyeen Dad Barakacayaal ah oo Raashiin Gargaar loogu qeybinayay gudaha degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa ku sugnaa meesha wax ka dhaceen  markii ay Ciidamadiisu Rasaasta huwinayeen Barakacayaashaasi.

Rasaasta ilaalada Guddoomiyaha Kaxda ay ku fureen dadkaasi Barakacayaasha ah ayaa waxyeelo ay ka soo gaareen dad meesha Raashiinka Gargaarka ah lagu qeybinayay ku sugnaa , waxaana khasaaruhu u badnaa dhaawacyo aan tiradooda la cayimin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaxda uu amar ku siiyay ilaaladiisa in Rasaas ay la beegsadaan ciddii aan wadan Kaararka lagu qeybinayo Raashiinkaasi Gargaar.