Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo caqabado kala kulmaya is bedelka Ku xigeenadiisa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka

0

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wada qorshe bilow ah oo is bedel lagu sameynayo Kuxigeenadiisa, si maamulkiisa u noqdo waji cusub.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu lagu wado in la bedelo Saddex kuxigeen ee hada uu leeyahay Gobolka, waxaana la sheegayaa in durbaba arrintan ka war heleen beelaha kursigaas ku fadhiya Xildhibaanadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka mid ah Saaxibada Madaxweynaha, ayaa yeelan doona awooda koowaad ee soo jeedinta is bedelka Guddoomiye kuxigeenada, xil ka qaadista iyo magacaabista.

Xafiiska Guddoomiyaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaa hareeyay shaqsiyaad badan oo xilal doon ah, waxaana loo badinayaa in wajiyada cusub ee ku soo biiri doona Maamulkiisa ay noqdaan qurbo joog ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha la bedelayo ee ku raagay xilka tan iyo maamulkii Guddoomiye Muungaab ay noqon doonaan kuwo lagu bedelo wajiyo cusub.

Wajiyada cusub ee lagu soo kordhinayo Kuxigeenada Gobolka Banaadir ayaa ka mid noqon doonta qof dumar ah oo lagu bedeli doono Iimaan Nuur Iikar oo ah Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha bulshada, kaasoo xilka hayay illaa xilligii Tarsan.

Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga ayaa ka biya diidan in xilka Kuxigeenka loo magacaabo dad kor laga keenay oo aan wax talo laga siin Xildhibaanadooda.

Sidoo kale Xildhibaanada ku heybta ah Guddoomiye kuxigeenka dhanka Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye ayaa iyana ka biya diidan is bedel lagu sameeyo kursiga Beeshooda, waxaana ay albaabada u fureen in la bedeli karo, balse qof kale booskiisa la keeno oo ku heyb ah.

Waxaa kaloo is bedelka kuxigeenada uu saameyn doonaa Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda Ismaaciil Cabdi Guure, waxaana kursigiisa u ordaya shaqsiyaad dhowr ah oo qaarkood ku xiran Madaxtooyada.

Qorshaha labaad ee Guddoomiye Taabid ayaa ah in is bedel cusub ku soo kordhiyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo noqdaan kuwo lagu soo magacaabo habka awood qeybsiga ee beelaha 4.5, waxaana arrintan uu kala kulmi karaa caqabado Beelaha Muqdisho dega ah.

Hadalkii Guddoomiye Taabid ka jeediyay munaasabadii soo dhoweynta aheyd ayaa dad badan ay shaki geliyeen in Guddoomiyuhu qaadi doono tallaabo ka duwan tii ay qaadeen Guddoomiyeyaashii horay u soo maray Gobolka Banaadir.