Golaha Wasiirada Soomaaliya oo arrimo xasaasi ah ka doodaya & Masuuliyiin xilalka laga qaadayo

0

Maanta oo Khamiis ah waxaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulan adag oo looga doodi-doono arrimo badan oo xasaasi ah.

Arrimaha waxaa ka mid ah Qadiyadda ku saabsan Mashaariicda DP World,Agaasimayaal guud oo dib loo eegayo & waxyaabihii uu R/wasaaraha uu ku soo arkay Wasaaraddaha uu booqday.

Sidoo kale Ajendaha golaha Xukuumada waxaa ku jira sida warar hoose aan ku helnay arrinta la xariirta doodii shalay Xildhibaanada baarlamaanku ka yeesheen Mooshinkii Imaaraatka Carabta.

Arrintan oo xasaasiyadeeda leh ayaa waxaa jawaabteeda laga sugayaa Golaha Xukuumadda wax yaabaha ay ka og yihiin talaabooyinka Imaaraatka ka wado dekeddaha Soomaaliya.

Shaqsiyaad ka mid ah Agaasimayaasha wasaaradaha Dolwlada Federaalka oo Mudo soo shaqeynayay ayaa la filayaa in ay xilalkooda wayaan

Sidoo kale Doodaha xiisaha leh waxaa kamid ah Wada hadalada Ahlu Suna & Galmudug oo aan wali natiijo sax ah ka soo bixin maadaama wasiiradda ka soo jeeda gobaladaas.