FAALLO XIISO BADAN:- Way Dhaqaaqday dawladdu !.

0

Tan iyo intii ay jirtay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne maxamed cadillaahi maxamed farmaajo,isla markaana uu raysalwasaare u doortay Mudane xasan khayre waxay ay xukuumaddu ku talaabsatay guulo waaweyn oo dhinacyo kala duwan ah.

Sida ay sheegaan dadka u dhuun-daloola odoroska siyaasadda soomaaliya waxay tilmaamaan in xukuumadda soomaaliya talaabooyinka ay qaaday ay dhinacyo badan wax kaga qabatay,sida amaanka, musuqmaasuqa,dhiiri galinta shaqada iyo shaqaalaha,bixinta mushaharaadka shaqaalaha niyo ciidamada, inkasta oo ay mudada ay xilkaa haysay yar yahay hadana waxqabadka ay ku dhaqaaqday ayaa ah mid la taaban karo.

Waxa ugu wayn ee ay xooga saartay ayaa ah dhinaca abaaraha, taas oo runtii ah masiibo dabeeciya oo ALLAH keenay, waxa madaxwaynaha oo kaashanaaya raysalwasaarihiisa, isla markaana la tashanaaya dhinacyada kala duwan ee dawladdu ka kooban tahay u kulamo gaar gaar ah iyo kuwo gooni ahba la qaatay ganacsatada soomaaliyeed,deeqbixiyayaasha caalamiga ah, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay gudiga abaaraha oo iyauna kaalin mug leh ka qaatay qaylo-dhaanta loogu yaboohaayo soomaaliya in gurmad deg deg ah lala soo gaadho.

Madaxwaynaha oo ka qayb qaatay shirar uu la yeeshay madaxwaynayaasha dawldaha muslinka ah oo ay ugu koreeyaan kuwa carabtu ayaa u ban dhigay in dawladahaasi u gurmadaan walaalaha soomaaliyeed ee dagaalada argagixisada iyo abaaruhu ku habsadeen,waxaanay dawlahaasi madaxwaynaha uga ballan qaadeen in ay qayb ka noqon doonaan u gurmadka dadkaas wallalahood ah ee ay abaaruhu saameeyeen,waxaana wadanka soo gaadhay deeqo dhinacyo badan leh oo taakulo ah,iyadoo loo eegaayo sida abaaruhu ugu kala daran yihiin gobollada iyo deegaanada dalka.
Hadaba waxa haboon in shacabka soomaaliyeed hiil iyo hooba la garab istaago dawladan curdinka ah ee xawliga wax qababad dhinaca togan ugu socota,waxaynuna odhan karnaa way dhaqaaqday dawladda.
Qalinkii: Fowzi I Cumar<feedho>