Digniintii ugu Cusleyd oo ka soo baxday Al-Shabaab iyo Dalladaha waxbarashada Dalka oo Wadnaha Farta ku haya

0

Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray digniin adag oo si tos ah ugu socota dalladaha kala duwan ee dhanka waxbarashada ee ka jira Soomaaliya.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo ka hadlaayay manaahijta Waxbarashada dalka, ayaa wuxuu sheegay Dalladaha ka jira dalka inay ubadka Somaliyed ku qaldaan afkaar asal ahaan ay ka dambeeyaan dad shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa Hay’addaha waxbarashada ee dalka ka jira wuxuu uga digay inay joojiyaan manaahijta waxbarashada ee fekradaha qaldan gudbinaysa sida uu yiri ee Jaamacadaha iyo Macaahida dalka ku yaal laga dhigo.

“Waxaan uga digeynaa Daladaha, Ururada, Mu’asasaatka iyo shaqsiyaatka ku howlan fulinta ajandayaasha gaalada iyo gaala-raacyada in ay ka waantoobaan howshaas, ayna joojiyaan manaahijta qaloocan ee u adeegeysa rabitaanka gaalada iyo gaala-raacyada, ayna ogaadaan in howsha ay ku jiraan ay tahay garabsiin ay gaaladu ku garabsiinayaan gaaleysiinta ubadka Muslimiinta, taasna ay ka dhalaneyso in diinta laga baxo waa haddii ay Muslimiin ahaayeen, Haddii ay ogaal gaaladu ku garab siinayeena ha ogaadaan in ay dagaal kula jiraan Muslimiinta, ayna waxba ka duwaneyn gaalada soo duushay, dadka Muslimiinta ahna ha ogaadaan in cidii iyadoo howshaas ku jirta ay wax ku soo gaaraan aanan la dulminin balse ay iyadu dagaal cad ay gashay.” Ayuu yiri Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta Shabaab.

Afhayeenka Shabaab ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray “Calaamadaha lagu yaqaano iskuuladaas iyo jaamacadahaas waxaa ka mid ah: -waxay ku dadaalaan luuqadaha Ajinabiga, waxayna la dagaalamaan Luuqadda carabiga sababtoo ah luuqad kasta waxay wadataa tarbiyadeeda, luuqadda carabiguna waa luuqadda diinta Islaamka, Waa luuqadda Nabigeena, Waa luqadda Kitaabkeena, ugu dambeyna waa luuqadda Ahlu-Jannaha.”

Al Shabaab ayaa dhawaan Gobolka Shabellaha hoose ku soo bandhigay buugaag ay iyaga diyaariyeen, sidoo kalena ay ku dabaqeen fekerkooda, kuwaasi oo ardayda ku nool deeganada Shabaabka ay maamulaan wax loogu dhigo.