DHAGEYSO:- Xildhibaan C/llaahi Sheekh “ Wada Hadal kama galeyno Damaca Dowladda Imaaraadka Carabta ay wado, Dalkeena Iib ma ahan”..

0

Iyadoo horaan xildhibaano ay tiradoodu gaareeyso ilaaa 50 MUDANE  ay mooshin ka keeneyn saldhiga ay dowlada Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso magaalada Barbara ayaa maalinimadii shalay  qaar kamida mudanayaashii  waday mooshinka ka dhanka ah arrintaasi waxa ayna codsadeen in waxyaabaha looga hadlayo kalfadhiga baarlamaanka lagu daro mooshinkooda.

Xildhibaan Cabdullahi Shiikh Ismaciil oo kamid ah Xildhibaanada mooshinkan waday ayaa sheegay in ay wax wada hadal ah ka geli doonin arrimaha saldhiga milateri ee Berbara, waxuuna intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay ugu fadhiyaan warbixin iyo qoraal uu ku cadyahay heshiiska ay wada galeeen Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horan tagay Imaaraadka Carabta isagoona kulamo la qaatay madaxda ugu sareyso dowlada Imaaraadka Carabta waxaana la sheegayaa in uu kala hadlay arrimo quseeya saldhigaasi inkastoo aan wax fahfaahin ah uunan madaxweynahu ka bixin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-