DHAGEYSO:- Wasiir Beyle ” waxaan Codsaneynaa in nalaga Cafiyo Deymaha Caalamku nagu leeyahay”…

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington halkaas oo uu uga qeyb galayo Shir ay isugu imaanayaan dalal ay ka mid yihiin kuwa Deymaha ku leh Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsan doonto in laga cafiyo Deymaha lacageed ee lagu leeyahay.

Mr Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya lagu leeyahay lacag dhan 5.5 Billion oo dollar waxaana uu ku nuux nuuxsaday in si looga cafiyo ay la timaado Dowlad Wanaag iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Beesha Caalamka ayaa tan iyo bur burkii  taageero la garab taagnaa Soomaaliya si ay dib ugu yagleesho Dowlad cagaheeda isku taagta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-