DHAGEYSO WAREYSI NAXDIN LEH:- Nin Dilay Xaaskiisa oo uur Lahayd

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya nin kamid ah dadka kunool Tuulo lagu magacaabo Tugaarey uu maanta halkaasi ku dilay xaaskiisa oo uur laheed.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Ninkan dilka geestay uu muran soo kala dhax galay xaaskiisa , waxa uuna dilka xaaskiisa u adeegsaday qoray uu lahaa, gacan ku dhiiglaha ayaana ka baxsaday halka uu dilka ka geestay.

Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Faay C/Qaadir , halka ninka dilka geestay isna magaciisa lagu sheegay C/Laahi Isaaq, waxaana la sheegay in gabadha la dilay ay uur laheed sidoo kale gabar ay u heesay ninka dilay.

Dilalka nuucaan oo kala ah ee salka ku haya maseerka iyo arimaha la xariira khilaafka u dhaxeeya lamaanaha ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana dilalkan oo kale ay horey uga dhaceen magaalooyin dalka ku yaalla.

Hoos ka Dhageyso Codka:-