DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Shacabka Soomaaliyeed u sameeyay Balan qaad cajiib ah

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbedel lagu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay ugu talaabsadaan hormaro kala duwan.

Gen. C/xakiin Daahir Saacid (Saciid) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay Saddxeda bilood ee soo socota in Ciidanka Booliska loo sameyn doono qalabeyn iyo Tababaro.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saacid (Saciid) ayaa sheegay in ay furayaan xafiis lagu dacweeyo Tacadiyada ay geystaan Ciidanka Booliska.

C/xakiin Daahir Saacid (Saciid) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmihii dambe waxa uu waday dadaalo lagu qalabeynayo laguna tayeynayo Ciidanka Booliska, si ay u gutaan howlahooda shaqo.