DHAGEYSO:- Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir ka furmaya Dalka Mareykanka iyo Arrimo Xasaasi ah oo loogu hadlayo

0

Shir looga hadlayo kobcinta iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu ka furmayaa dalka Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ka furmaya dalka Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 120 wadan oo ay ku jiraan wadamada taageera Soomaaliya iyo waliba wadamo kale.

Bangiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka IOM ayaa soo qaban qaabiyay shirkan, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahin ka bixiyay ajandaha Soomaaliya ay la tageyso shirkan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-