DHAGEYSO:- Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa oo ka wada hadlay la dagaalanka Al Shabaab

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Madaxa Ururka Midowga Afrika , Moussa Faki Mahamat ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsasn Dalka Soomaaliya.

Labadan Mas’uul ayaa wadahadalkooda xooga ku saaray Dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in muhiim ay tahay in laga adkaado Xoogaga Al Shbaab oo Dagaal Xoogan kula jira Dowldda Federaalka Soomaaliya.

Wada hadalka labadan  Mas’uul ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sikastaba, Xoogaga Al Shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, halkaasi oo la aaminsan yahay in mararka qaarkood ay ka soo qorsheeyeen Weerarada ka dhanka ah Xarumaha Dowldda iyo kuwa AMISOM.

Hoos ka Dhageyso Codka:-