DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir oo sheegay in Xukun Cadaalad aysan ridi Karin oo ay ka baqayaan in la dilo

0

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay eedeymo loo jeedinayay Maxkamada gobolka Banaadir, waxaana eedeymahaas kamid ahaa in qaabka ay kiisaska ku xukmiyaan uu yahay mid aan cadaalad aheyn.

Gaar ahaan saraakiisha Maxkamada ayaa lagu eedeeyay iney arimo qaliin soo hoos geliyaan kiisaska isla markaana ay go’aan uga gaaraan.

Hase ahaatee Guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir  Dr Aweys Sheikh Cabdullaahi ayaa hadalkaas ku sheegay inuu yahay mid been abuur ah.

Isagoo  maanta ka hadlaayey kulan wacyi galin ah oo lagu qabtay xarunta Booliska ee Muqdisho ayaa waxaa  uu sheegay in xukunadu marka ay soo dhamaadaan aan laga fuli Karin qabiilada iyo kuwo uu ku sheegay hogaamiye kooxeedyo.

Dr Aweys ayaa tilamamay in ciidamada booliska marka ay tagaan goobta ay wax ka fulin lahayeen  ay ka hor-istaagaan qabiilo amaa kooxo, islamarkaana uu xusay in loo baahanyahay in la keeno ciidamo boolis hubeysan oo ka hortaga waxaasi oo dhan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-