DHAGEYSO:- Maamulka HirShabeelle oo wada qorshe Halis ah iyo Shacabka oo la Barakicinayo

0

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in ay wadaan howl gal ay dadka kaga saarayaan guryaha Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka dagan xarumaha dowladda ee deegaanada maamulka Hir-Shabeelle ay iskaga baxaan si buu yir loogu shaqeeyo oo ay maamulka Hir-Shabeelle ugu furtan xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Mar la weydiiye wasiirka waxa ay ka yeelayan dadka barakacayaasha ah ee dagan guryaha dowladda ayaa waxa uu ku jawaabay in u kuur geli doonaan arrintaasi hadii ay jiraana dad barakacayaal ah misane dagan xarumaha dowladda aanan lasii barakicin doonin oo lagu eegi doono il naxariis leh.

Ugu dambeyntiina Mahad Xasan Cusmaan wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Hir-shabeelle ayaa baaq u diray in dadka degan xuramaha dowladda ay iskaga guuraan ka hor inta aynan maamulka Hir-shabeelle ka saarin xarumahaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-