DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxeysa duqeyn Culus oo ka dhacday Gobolka Gedo iyo Dad badan oo Miirka ku beelay

0

Ciidanka Kenya ayaa wali duqeyn joogto ah ka wada Koofurta Soomaaliya iyaga oo sheegaya in ay dagal kula jiraan Al-shabaab,waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaarayaa dadka rayidka ah ee u badan xoola dhaqatada iyo Beeroleyda.

Ugu yaraan 40 ayaa la sheegayaa in ay ku waasheen duqeynta ay kenya ka fulineyso Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.

Habeenii xalay ahaa ayaa ugu dambeeyay duqeyn ay ka geysatay tuulooyin hoostada Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa khasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah iyo xoolihii ay lahaayeen.

Korneyl Aadan Maxamed Rufle oo ka tirsan Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in 40 oo naxdinta ay ka qaadeen duqeynta Kenyaanku ka wadaan Gobolka ay hadda jiifaan Isbitaallada islamarkaana ay Kenya sii waddo waxyeeleynta shacabka iyaga oo ku doodaya in ay beegsanayaan AMISOM.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii Julay ee Sanadkii tagay Howlgalka AMISOM dib u cusbooneysiiyay waxaana ay ku kordhiyeen diyaarado dagaal oo gaaraya ilaa 9 Nooca Helicopters-ka loo yaqaan hayeeshee Ciidamada ka socda Kenya iyo Itoobiya ayaa adeegsada Diyaaradaha dagaalka ee aan ahayn kuw aku jira howlgalka AMISOM.

Hoos ka Dhageyso Codka:-