DHAGEYSO:- Ciidamo Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Degmada Baladxaawo

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa Dagaal fool ka fool ah uu ku dhexmaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo hakad galay waxyar kadib ayaa laga cabsi qabaa in dib uu uga Qarxo Degmadaasi Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Xiisad u dhexeysa Ciidamo kuwa  Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Kenya ayaa waxa ay ka taagan tahay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadaasi ay Salka ku heyso Darbiga Dowladda Kenya ay ka dhiseyso Xadka Dalka Soomaaliya ay la wadaagto oo Ciidamadaasi Soomaaliyeed ay u arkaan mid laga dhisayo gudaha dhulka Soomaaliyeed.

Qeybaha Bulshada labada dhinac ayaa sheegaya in haatan aanu Darbi u habooneen lagu kala go’doomiyo dadka halkaas degan oo uu ka wada dhexeeyo macaamiil dhinac weliba ah sida Ganacsi , Waxbarasho iyo adeegyo kale.

Dhinaca kale Diyaarado Dagaal ayaa lagu soo warramayaa in Duqeymo khasaaro nafeed geystay ay ka fuleen Deegaan lagu Magacaabo Daarusalaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Qoys Soomaaliyeed oo ku nool deegaankaasi Daarusalaam uu ku habsadaymid ka mid ah Gantaalada Diyaaradahaasi ay ku asqeeyeen halkaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyinta Maamulka Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan duqeymahaasi iyadoona aan la ogeyn heybta Diyaaradahaasi dagaal ee duqeymaha ka fuliyay deegaanka Daarusalaam ee hoostaga degmada Ceelwaaq.

Hoos ka Dhageyso Codka:-