DHAGEYSO:- Camey “Diyaarad aan fasax ka heysan Puntland kama degi karto Buuhoodle”..

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa sheegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer in aysan ka degi karin Diyaarad aan fasax ka heysan Wasaaradda Duulista Hawada Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer in ay maamulaan oo ay gacanta ku hayaan Maamulka Puntland.

Eng. C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay Diyaaradii aan fasax ka heysan ee ka degta Garoonkaasi in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer waxaa gacan ku heynteeda isku heysta Maamulada Khaatuma, Somaliland iyo Puntland, waxaana dadka Degaanka ay ku jah wareereen dhinaca ay raacaan

Hoos ka Dhageyso Codka:-