DHAGEYSO:- Afhayeenka Al-Shabaab oo digniin Culus u diray Jaamacadaha iyo Hay’adaha Waxbarashada Dalka

0

Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray digniin adag oo si tos ah ugu socota dalladaha kala duwan ee dhanka waxbarashada ee ka jira Somaliya.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo ka hadlaayay manaahijta Waxbarashada dalka, ayaa wuxuu sheegay Dalladaha ka jira dalka inay ubadka Somaliyed ku qaldaan afkaar asal ahaan ay ka dambeeyaan dad shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa Hay’addaha waxbarashada ee dalka ka jira wuxuu uga digay inay joojiyaan manaahijta waxbarashada ee fekradaha qaldan gudbinaysa sida uu yiri ee Jaamacadaha iyo Macaahida dalka ku yaal laga dhigo.

“Hadaba Waalidiinta Muslimiinta waxaan ugu naseexeynaynaa, Waalidiinta Soomaaliyeed si gaar ah in ay ka digtoonaadaan iskuullada ama madaarista iyo jaamicaatka u adeegaya danaha gaalada iyo gaala raacyada ee la rabo in jiilka soo koraya looga fogeeya tacliinta Islaamka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka, Lagana dhigo kuwa gaalada Jecel hadafkoodana uu yahay shahwadooda iyo waxa ay cunaan oo kaliya, iskuulladaas iyo jaamicaatkaas waa dagaal ay gaaladu ku soo qaaday dunida Muslimka ah Muddo hore, ayna gaaladu u aragtay in uu yahay dagaal lagu guuleystay oo uga dhib yar midka xabadda maadama uu xaqiijinayo hadafka ay rabaan” ayuu yiri sheikh Cali dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Sheykh Cali Dheere tilmaamay in Shirar badan oo dowlado shisheeye ay qabteen iyo daraasaad ay faafiyeen hay’adaha gaaleysiinta u qaabilsan reergalbeedka ay caddeynayaan in cadawgu ay Ubadka Muslimiinta ku beereen dhaqanadooda iyo diintooda, kana fogeeyeen tacliintooda taasna ay keentay in jiilka Muslimiinta ay ka tagaan Akhlaaqdooda wanaagsan iyo barashada diintooda, ayna ku mashquulaan waxbarashada iyo dhaqanada reergalbeedka.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay iskuulada iyo jamaacadaha faafiya tacliinta reer galbeedka kuwaas oo uu tilmaamay in Ubadka ay kala dagaalamaan diintooda, sidoo kalena faafiyaan dhaqanada reergalbeedka.,Wuxuu tiriyey ugu yaraan shan qodob oo uu xusay in ay ka mid yihiin calaamadaha lagu yaqaano Iskuuladaas iyo jamaacadahaas.

Calaamadaha lagu yaqaano iskuuladaas iyo jaamacadahaas waxaa ka mid ah: -waxay ku dadaalaan luuqadaha Ajinabiga, waxayna la dagaalamaan Luuqadda carabiga sababtoo ah luuqad kasta waxay wadataa tarbiyadeeda, luuqadda carabiguna waa luuqadda diinta Islaamka, Waa luuqadda Nabigeena, Waa luqadda Kitaabkeena, ugu dambeyna waa luuqadda Ahlu-Jannaha sidaas darteed ayaana Muslimiinta looga fogeynayaa, luuqadaha ajinabigana loo jecleysiinayaa wax kasta oo marmarsiyo looga dhigaba” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sheikh Cali dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale yiri: “Waxay ardaydooda ku xiraan islamarkaana ay jecleysiiyaan gaalada iyo wadamadooda iyagoo u ammaanaya dhaqamada gaalada, siyaasadooda, aqoontooda, hormarkooda, Ugana sheekeeya taariikhdooda iyo dadkoodii magaca lahaa si ardayga qalbigiisa halkaa loogu xiro, dhanka kalena waxaa laga qarinayaa ama loo suurad xumeynayaa Islaamka iyo taariikhdiisa si ardayga loo tuso wax aanan micno lahayn”.

Wuxuu sheegay in arintan ay keentay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay aafada Tahriibka sababtoo ah waxaa dhalinyaradii loo ammaanay buu yiri dhulalka reergalbeedka, hormarkooda iyo dhaqanadooda taas oo keentay in ay badaha ku yaacaan, Waxay sidoo kale keentay buu yiri in ay yaraato aqoonta ay u leeyihiin diintooda dhan cibaado iyo dhan akhlaaqba.

“Iskuullada iyo jamaacaatka noocaas ah waa kuwa ugu badan ee maanta dalkeena ka jira sababtoo ah intooda badan waxay ku xiran yihiin hay’ado iyo ururo ajnabi ah oo u adeega danaha gaalada sidoo kalena waa tacliinta ay u sacnineyso dowlada ridada, sidaas darteed waa inaan aad iyo aad uga fiirsanaa cidda aan ku aamineyno tarbiyada ubadkeena”.

Hoos ka Dhageyso Codka:-