DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo gaartay Magaalada Baydhabo

0

Drs Fowziyo Abiikar Nuur oo ah wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka ee Soomaaliya ayaa maanta gaartay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay iyadoo kormeer ku sameyn doonto xarumaha Caafimaadka ee Baydhabo oo ay jiifaan Boqolaal dad ah oo la xanuunsan Cudurka Shuban Biyoodka.

Drs Fowziya ayaa ujeedka socdaalkeeda lagu sheegay in ay u kuur galayso xaaladda Caafimaad ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka jiraan Cudurka Shuban Biyoodka iyo Jadeecada waxaana la filayaa in dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Bilaawdo Adeeg Caafimaad oo deg deg ah kuwaas oo la gaarsiin doono Gobalada Dalka.

Gobalada Bay iyo Bakool ayaa ah meelaha ugu daran oo ay ka jiraan Cudurada Jadeecada iyo Shuban-ka waxaana ku dhintay Boqolaal dad ah halka xilligaana ay la jiifaan dadka kale oo laga deyrinaayo xaaladooda Caafimaad.

Hoos ka Daawo Sawirada:-